Sababta keentay dab ka kacay goob ku taalla Kisumu oo la baarayo

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Kisumu ayaa ku guda jiro baaritaano ku aaddan in la ogaado sababtii keentay dab xalay khasaare gaystay.
Dhacdadaasi ayaa laga soo tabiyay mid ka mid ah goobaha laga soo saaro waxyaabaha laga sameeyo biraha.
Dadweynaha magaladaasi iyo sarakiisha waaxda dab damiska ayaa muddo kaddib waxaa u suurtagashay inay demiyaan dab oo ahaa mid xooggan.
Waxaa uu burburiyay ugu yaraan 20 meherado ganacsi ah iyadoo ay halkaasi ku luntay hanti qiimaheedu lagu qiyaasay malaayiin shilin.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kisumu, Benson Maweu ayaa sheegay inaynan wax dhaawac ama dhimasho ah oo ka dhalatay.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray inay rumeysanyihiin in dabku uu bilowday xilli waardiye goobta ku sugan oo qashin gubayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here