Sacuudi Carabiya oo bandow lagu soo rogay

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bandow ku soo rogtay shacabkeeda laga bilaabo qorraxda marka ay dhacdo ila iyo waaberigga si loo xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus..
Dhanka kale wadanka Isutaga Imaaradka Carabta ayaa joojiyay dhamaan duulimaadyada dalka dibadiisa iyo in ay soo maraan diyaarado ka yimaaday dalal kale.
Qaaradda Yurub, Taliyaaniga ayaa mamnuucay dhamaan safaradda dalka gudihiisa kaddib markii cudurka uu sababo caabuqa Coronavirus ay u dhinteen 5,400 oo qof.
Dalka Spain, oo ah midka labaad ee uu sida ba’an u saameeyay cudurkan ayaa waxaa ay dowladda qorsheeneysaa inay kordhiso muddada uu dalka ku jirayo xaaladaha degdega ah kaddib markii dad gaarayo 1,700 oo qof uu nolashoodii galaftay.
In ka badan 14,500 qof ayaa u dhimatay COVID-19 halka uu soo ritay dad dhan 336,000.
Sido kale waxaa la sheegay in 98,000 qof ay ka soo kabteen cudurkan dilaaga ah.
Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah marka laga reebo magaalooyinka New York, Washington, Hong Kong, Moscow iyo Addis Ababa laga billaabo Isniinta ila iyo 14-ka bisha afaraad.
Saraakiisha caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa shaaca ka qaaday in 65 kiis oo cusub laga soo tabiyay dalkaasi iyada oo tirada guud ka dhigeeysa 579 kiis.
Hong Kong waxaa ay soo saartay amar ah in muwaadiniinteeda oo kaliya ay soo galaan dalkaasi laga billaabo 25-ka bishan.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay 82 kiis oo cusub oo ah feyruusiga Corona isla markana ay tirada guud gaartay 462.
Kiisaska Coronavirus ee dalka Jarmalka ayaa kor u dhafaya 22,627, waxaana u dhintay 86 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here