Sacuudi Carabiya oo ka hadashay heshiiskii Imaraadka iyo Israa’iil

FARHAN

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaynan qaadi doonin tallaabadii dowladda isu tagga imaaraadka carabka ay kula heshiisay Israa’iil ilaa iyo inta Falastiin lagala saxiixanaya heshiis nabadeed oo caalami ah.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii imaaraadka uu sheegay inay Israa’iil isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka dibloomaasiyeed ee ka dhexeya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Faisal bin Farxaan ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada ku aadan inay heshiis la yeeshaan Israa’iil ilaa iyo inta dhibaatada ka taagan Falastiin laga xallinayo.
Arrinkan ayuu wasiirku sheegay isagoo ku sugan magaalada Berlin ee Jarmalka.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu rajeynayo in Sacuudigu uu qaado tallaabo la mid ah midii imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here