Sacuudi Carabiya oo kordhisay xayiraadda safarrada

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sii kordhisay xayiraadda dhanka safarrada ee ka dhanka ah caabuqa Coronavirus.
Waxay tani saameynayaa dalalka Midowga Yurub iyo kuwo kale.
Xalay ayay ahayd markii halkaas laga soo tabiyay 24 kiis oo hor leh oo firuusigan ku saabsan waxaana ilaa iyo hadda lagu arkay 45.
Sacuudiga ayaa hakad geliyay duulimaadyada EU-da iyo 12 dal oo kale.
Waxay tani micneedu tahay in la sii kordhiyay xayiraad horay loo saaray 19 wadan oo ay ka mid yihiin wadamada dariska la ah ee carbeed.
Muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka deeggan wadamada uu amarkan saameynaya ayaa loo qabtay muddo 72 saacadood oo ay dib ugu soo laaban karaan boqortooyada sida ay qortay wakaaladda wararka ee SPA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here