Sacuudi Carabiya oo maanta qaadaysa bandowga halkaas ka jiro

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la filaya inay maanta meesha ka saarto bandowga in muddo ah ka jiray deegaannada kala duwan.
Sido kale waxaa uu qorshuhu yahay inay dib u billowdaan howlaha ganacsiga si dib loogu soo noleeyo dhaqaalaha ay saameynta ka soo gaartay cudurka Covid-19.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ee SPA oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha.
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in bandowga maanta la qaadaya balse ay weli hakad ku sii jirayaan duulimaadyada caalamiga , isku imaatinnada dadweynaha , gelitaanka boqortooyada iyo howlaha cumrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here