Sacuudi Carabiya oo marti galinaysa shir ay yeelanayaan hoggaamiyaasha wadamada carbeed

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdilcaziiz ayaa lagu soo warramayaa inuu isugu yeeray kulan deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan madaxda dalalka carabta.
Shirkan oo la qaban doono 30-ka bishan shanaad ayaa diiradda lagu saaraya weerarro toddobaadkan lagu qaaday maraakiib ay leedahay xukuumadda Riyaadh.
Maraakiibtan oo ah afar xamuulka qaada ayaa lagu qabsaday xeebaha imaraadka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa arrimahan shaaca kaga qaadday qoraal ay twitarka soo dhigtay.
Sido kale diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn ayaa weerar ku qaaday goobo shidaal oo ku yaalla galbeedka magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here