Sacuudi Carabiya oo soo riday gantaal ay soo tuurtay kooxda Xuutiyiinta

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay soo riday gantaallada ridada dheer oo ay soo tuurtay kooxda Xuutiyiinta iyo sido kale diyaarado ah nooca aan duuliyaha lahayn.
Militariga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee taageeraya dowladda Yemen ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu intaa ku daray inuu burburiyay gantaallada iyo diyaaradaha kooxda.
Mid ka mid ah hubka ayaa lagu bartilmaameedsay magaalada Riyaadh.
Tan iyo sannadkii 2015-kii, isbeheysigan milatari ayaa dagaal kula jiray kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here