Sacuudiga iyo Maraykanka oo ka wada hadlay weerarada Xuutiyiinta Yemen

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u sheegay in xukuumadda Riyaadh ay doonayso oo ayna awoddoo inay ka falceliso weerarada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Isbeheysi milatari oo uu Sacuudiga hoggaaminayo ayaa dagala kula jiro kooxdan oo ka soo horjeedda dowladda Yemen.
Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala xariiriyay Xuutiyiinta ay weerar ka gaysteen goobo shidaal oo ku yaalla Sacuudiga.
Bayaan ka soo baxay safaaradda Sacuudiga ee Maraykanka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SPA ayaa lagu sheegay in Trump uu dhankiisa maxamad Bin Salmaan u ballanqaaday in xukuumadda Washington ay diyaar u la tahay inay taageerto.
Trump iyo dhaxalsugaha oo khadka taleefoonka ku wada xariiray ayay wararku sheegayaan inuu hoosta ka xarriiqay in weerarkii ay fuliyeen diyaaradaha uu wax u dhimay dhaqaalaha dhanka shidaalka ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here