Sacuudiga oo ajaanibta ka joojiyay inay u safraan magaalooyinka Makka iyo Madiina

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa joojisay safaradii lagu tagi jiray magaalada barakeeysan ee Makka iyo Madina.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeeysa iyada oo ay bilo un ka dhiman yihiin bisha Labo iyo tobonaad taas oo muslimiinta ay gutaan waajibaadka xajka.
Waxay arrintan ka dambeesay kadib 220 kiis oo ah caabuqa Corona Virus oo lagu arkay Bariga dhexe.
Xayiraadan ayaa sido kale saameyn doonta dadka u taga Cumrada Sacuudi Carabiya.
Malaayiin Muslimiin ah ayaa sannadkiiba u kaca magaalada barakeeysan ee Makka si ay u gutaan Cumrada iyo sido kale Xajka.
Sacuudi Carabiya ayaan weli laga soo tabin caabuqa Corona ama cudurka uu sababo ee loo yaqaano COVID-19 basle tallabadan ayaa lagu sheegay mid taxadar ah.
Cudurka daacuunka ayaa sannadkii 1821-kii waxaa uu dhintay dad dhan 20,000 halka sannadkii 1865-tii uu dilay dad dhan 15,000 kuwaas oo dhamaantood ahaa dad xujeey ah.
Wasaaradda arrimaha dibada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay mid si ku meel gaar ah loo dhaqan galinayo, balse ma ay sheegin inta ay socon doonto xayiraada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here