Sacuudiga oo beeniyay inuu basaasay taleefoonka Jeff Bezos

Boqortooyada Sacuudi Carabiya safaaradeeda magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa beenisay in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dhac loo geystay xogta telefoonka gacanta ee aas-aasaha sido kalena ah madaxa shirkadda Amazon,Jeff Bezos.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Safaaradda Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay jireen warar dhawaan soo baxay oo tilmaamaya in xukuumadda Riyaadh ay falkaas ka dambeysay.
Wararkaas ayaa lagu sheegay kuwo aan macquul ahayn.
Sido kale waxay safaaraddu dalbatay in baaritaano la sameeyo si xaqiiqda jirta loo ogaado.
Arrintan ayaa timid kaddib markii wargeyska ka soo baxo ingiriiska ee The Guardian uu shalay arrintan wax ka qoray.
Wargeyska oo soo xiganayay ilo wareedyo aan la shaacin ayaa ku warramay in sannadkii 2018-kii loo dhacay taleefoonka maalqabeenkan.
Falkaas ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay fariin dhanka barta WhatsApp-ka ah oo kaga timid akoonka shakhsiyeed ee dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here