Sacuudiga oo fududeeyay shuruucda loojimada

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa inay fududeysay shuruuc sanado badan soo jiray oo ku saabsan maareynta loojimada la seexdo iyo maqaayadaha.
Wasaaradda deegaanada hoose ayaa qoraal ay soo dhigtay twittarka ku sheegtay in hadda kaddib uu isbeddel jiri doono.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inaynan khasab ahaan doonin in meel gaar ah ay loojimada ka degaan raga,qoysaska ama dumarka.
Tani ayaa qeyb ka ah isbeddelada uu horseeday dhaxalsugaha sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan.
Arrimaha horay meesha looga saaray waxaa ka mid ah sharcigii haweenka ka mamnuucayay inay baabuurta kaxeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here