Sacuudiga oo laga bilaabay Gurmadka dadka Soomaaliyeed ee Fatahaadahu Saameeyeen.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa olole bilaabay gurmad loogu samaynayo dadka Soomaaliyeed ee ay Fatahaaduhu Saameeyeen.
Qunsuliyada Soomaaliya ee Magaalada Jida ayaa dhistay gudig isugu jira qaybaha bulshada oo loo igmaday inay shacabka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool ka uruuriyaan waxa ay ugu deeqayaan Walaalahooda dhibaataysan ee ay Saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada iyo roobabka lixaada leh ee ka da’aya qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sacuudiga ayaa dhankooda loogu baaqay inay si weyn uga qayb qaataan gurmadka dadka walaalahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here