Sacuudiga oo Qabtay Diyaarado ay Leeyihiin Xuutiyiinta

Ciidamada   difaaca  hawada ee  boqortooyada  Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya  inay   qabteen  laba diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka  oo la rumeysan yahay inay leedahay kooxda Xuutiyiinta ee ka  dagaallama gudaha Yemen.

Warbaahinta   boqortooyada ayaa ku warramaysa  in  diyaaradaha ay ka yimadeen dhanka Yemen.

Arrintan ayaa  ku soo aadaysa  iyadoo kooxdani ay sare u sii qaadday  howlgalada ka dhanka ah  Sacuudiga.

Isbeheysiga militari  ee uu   hoggaaminayo Sacuudiga  dagaalna kula jiro xuutiyiinta Yemen ayaa sheegaya  in diyaaradahan  la qabtay  lala bartilmaameedsanayay  magaalada  Khamis Mushait ee ku taalla dhanka waqooyiga  xukuumadda Riyaadh.

Bayaan uu isbeheysigan  soo saaray  oo ay  soo xigatay  wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ee SPA ayaa lagu sheegay inaynan jirin wax dhibaato  ama khasaare ah oo ka dhalatay howlgalka ay Xuutiyiinta damacsanayeen inay sameyaan.

Dagaalada u dhexeya isbeheysiga militari ee  taageeraya dowladda  madaxweynaha  Yemen Cabdu-Rabbu Mansour Hadi iyo Xuutiyiinta ka soo horjeeda ayaa tan iyo  sannadkii 2015-kii  sababay xaalad bani’aadanimo  oo saameysay   24.1 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here