Sacuudiga oo sheegtay khasaaraha ka dhashay weerar ay gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weeraradii ay gaysteen diyaaradaha aan la wadin ay sababeen labo dab oo ka kacay xarumaha Saudi Aramco .
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga aya sheegtay in saaka la soo afjaray weeraradii laga gaystay xarumaha xarumaha Abqaiq iyo Khurais.
Ila iyo hadda ma jirto koox si rsami ah u sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay bilawday baaritaano ka dhan ah dadkii ka dambeeyay weerarada diyaaradahaasi aan cidna wadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here