Saddex boolis ah oo loo xiray xadgudub ka dhacay Nakuru

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska dalka.
Tani ayaa timid kaddib markii baraha ay bulshada ku wada xiriirto lagu faafiyay sido kalena qaar ka mid ah warbaahinta dalka ay tabiyeen muuqaal laga dhex arkaya gabadh la garaacaya iyadoo lagu jiidaya dhudhugleey.
Dhacdadan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa laga soo tabiyay deegaanka Koonfurta Kuresoi ee ismaamulka Nakuru.
Waxay gabadha dhibkaas loo gaystay sheegtay inay garanayso sarkaalka ciqaabtaas kula kacay kaddib markii lagu eedeyay inay wax xadday.
Waaxda DCI ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in saddexda sarkaal ee falkaas lala xiriirinaya ay hadda ku jiraan gacanta dowladda oo baaritaano ay ku socdaan si hadii loogu caddeeyo maxkamadda loo soo taago
Gabadha dhibkan loo gaystay iyadoo hooyadeed oo warbaahinta u warramay ayaa waxaa hadaladooda ka mid ahaa

Dhanka kale maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska dalka ee IPOA ayaa sheegay inuu guda galay baaritaano arrinkan ku aaddan.
IPOA ayaa xustay inay eegaysa habdhaqanka ciidamada booliska iyo dhibaatada soo gaartay dhibanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here