Saddex haween ah oo loo xiray dhac laga gaystay Nairobi

Saraakiisha waaxda dambi baaristta ee DCI-da ayaa galinkii dambe ee shalay xiray 6 qof oo saddex ka mid ah ay haween yihiin kaddib markii lala xariiriyay fal dambiyeed .
Waxaa laga soo qabtay xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi iyadoo saraakiishu ay rumeysanyihiin in eedeysanayaasha ay ku lug leeyihiin falal dhowr oo dhac ah oo horay looga soo tabiyay gudaha caasimadda dalka.
Boobkii hantiyeed ee ugu dambeeyay ayaa sabtidii laga fuliyay degmada Kitengela .
Inta ay howlgaladu socdeen , dambi baarayaasha ayaa gacanta ku dhigay laba buur oo kala ah Toyota prado iyo Nissan navara, furooyin, qasnad iyo taargooyin been abuur ah.
Eedeysanayaasha la soo xiray waxaa kamid ah Stephen Ngiru Kuria,Wilson Mutua Kitheka, Vincent Odhiambo, Elizabeth Akinyi Abuto, Lavender Akinyi Ogilo iyo Quinter Adhiambo Ongi’no.
Dadkan badankoodu waxay wajahayaan dacwado ku saabsan dhac hantiyeed oo laga gaystay xarumo kala duwan iyo guriyo ay jabsadeen oo aynan weli maxkamaduhu soo gabagabeyn waxayna saraakiishu ku tilmaameen burcad halis ah.
Agaasimaha waxda dambi baarista Mr. George Kinoti ayaa baarta rasmiga ee twitter-ka ku sheegay in ay ku guleeysteen soo qabashada lix tuhmane oo caan ah oo kaddib marka baaritaanada la dhameeyo, maxkamadda la soo taagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here