Saddex ka mid ah ardayda jaamacadda Multimedia oo la xiray

Laamaha ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah ardayda wax ka dhigta jaamacadda Multimedia kaddib dibadbaxyo saaka dhacay.
Ardayda ayaa xiray wadada Magadi Road iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin shilal halkaasi ka dhacay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii baabuur uu jiiray arday jaamacaddaasi wax ka baranayay taasi oo uu dhaawac culus ka soo gaaray.
Ardayga dhaawaca uu soo gaaray ayaa hadda ku jiro isbitaalka weyn ee Kenyatta waxaana lala tacaalaya xaaladdiisa oo liidato.
Ardayda dibadbaxa dhigay oo ay booliska ku kala eryeen sunta dadka ka ilimeysiisa ayaa laamaha ammaanka ku dhaliilay inaynan wax tallaabo ah qaadin kaddib shilkii maalmo ka hor ardayga uu ku dhaawacmay.
Sido kale waxay cabasho ka muujiyeen in mas’uuliyiinta baabuurta ay dadweynaha raacaan ee wadadaasi maro ay rakaabka ka qaadaan lacago ka badan kuwa la jaangooyay dareenkooda ayayna sidatan u muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here