Saddex ka mid ah ciidamada nabad sugidda qaramada midoobay oo lagu dilay Mali

Howlgalka nabad sugidda ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegay in saddex sarkaal looga dilay gudaha dalka Mali halka afar kalena la dhaawacay kaddib markii ay bambada dhulka lagu aaso kula qaraxday meel u dhow tuulada Aguelhok ee bariga wadankaas.
Sido kale howlgalka Minusma ayaa sheegay in dhaawaca uu yahay mid daran balse lala tacaalaya.
Waxaa weerarka si kulul u cambaareeyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalka Mali Mahamat Salex Annadif.
Waxaa uu ku tilmaamay fal fuleynimo ku saleysan oo la doonayo in lagu wiiqo dadaallada ciidamada nabad sugidda ee Mali balse aan lagu guuleysan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here