Saddex ka mid ah eedeysanayaal loo haystay weerarkii jaamacadda Garissa oo dembi lagu helay

Saddex ka mid ah afar eedeysane oo lala xariiriyay weerarkii 2-dii bishii afaraad ee sannadkii 2015-kii lagu qaaaday jaamacadda Garissa ayaa maanta lagu caddeeyay inay dembi geysteen.
Garsoore Francis Andayi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa sheegay in Maxamad Cali , Xassan Aden Xassan iyo Rashid Charles Mberesero lagu caddeeyay inay qorsheyeen weerarkii lagu dilay ilaa 148 qof oo arday u badnaa.
Mr Andayi ayaa amray in la siidaayo Sahal Diriye Xussein oo eedeysane afaraad ahaa maadaama aan lala xaririnin karin weerarkaasi iyadoo la cuskanayo in gacanta lagu soo dhigay isagoo la socday mid ka mid ah eedeysanayaasha.


Maxkamadda ayaa horay u sheegtay in afarta qof oo dhammaantood rag ah ay garab siiyeen kooxdii jaamacadda weerartay.
Waxay horay isaga fogeyeen 156 dacwadood oo lagu soo oogay sida inay ku kaceen fal argagixiso , inay koox argagixiso xubno ka yihiin iyo inay sameyeen shirqool ku aaddan weerarkii dhacay.
Mr .Mberesero oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Tanzania ayaa dhankiisa wajahayo dacwad kale oo ah inuu wadanka si sharci darro ah ku joogo.
Qareenka dowladda matalaya Caroline Sigei ayaa dhankeeda sheegtay inay soo bandhigeen caddeeyo wax ku ool ah oo kiiskan loo cuskan karo.
Sido kale waxaa horay loo siidaayay waardiyihii jaamacadda Xussen Cisman Dhaqane kaddib markii wax caddeeymo ah lagu waayay.
Maxkamadda Milimani ayaa la filayaa inay 3-da bisha toddobaad ee sannadkan soo saarto xukun ka dhan ah saddexda eedeysane.
Dhanka kale Robert Alai oo ka mid ah dadka sida weyn u isticmaalo baraha bulshada gaar ahaan twitarka iyo sarkaal ka mid ah ciidamada asluubta oo lagu magacaabo Patrick Safari ayaa muddo laba toddobaad ah xabsiga ku sii jiraya in ciidamadu ay ka soo gabagabeynayaan baaritaanada ku aaddan in labadan eedeysanayaal ay faafiyeen sawirrada saraakiishii maalmo ka hor lagu dilay ismaamulka Wajeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here