Saddex ka mid ah ismaamullada xeebta oo aan loo safri Karin laga billaabo caawa

Waxaa laga billaabo 7-da fiidnimo ee caawa dhaqan galaya amar maalmo ka hor ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta kaasoo uu ku mamnuucay in loo safro ama laga soo baxo dowlad deegganada kala ah Mombasa , Kilifi iyo Kwale.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda dhexe ugu jirto xakameeynta faafitaanka cudurka Covid-19 .
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha wadanka laga xaqiijiyay 172 kiis oo ah kuwa xanuunkan la xiriira.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu xaqiijiyay in la helay 14 kiis oo dheeraad oo ay ku jiraan laba lagu arkay Mandera.
Amarka caawa ka dhaqan galaya saddex ka mid ah ismaamullada gobolka xeebta mid la mid ah ayaa habeenimadii isniita ka billowday Nairobi.
Go’aanka uu qaatay golaha qaran ee amniga wadanka ee uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay ayaa shaqeynaya 21 cisho.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta Mr. John Elungata ayaa sheegay inay si buuxda u dhaqan gelinayaan amarka la shaaciyay.
Waxaa jiraya bar korontolo dhowr ah oo lagu xaqiijinaya in shacabka dowlad deegaannada uu amarkan saameynaya aynan isu gudbin sido kalena aynan u safrin qeyb ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here