Saddex ka mid ah saraakiisha Wajeer oo laga doonayo inay iska difaacaan eedeymo musuqmaasuq

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka waxay ku sheegtay in saddex sarkaal oo ka tirsanaa dowladda ismaamulka Wajeer fursad loo siiyay inay iska difaacaan eedeymo loo jeediyay.
Waxaa lala xiriiriyay lunsashada lacag dhan 26 milyan oo shilin.
Waaxda ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Daud Cabdullahi Cumar, Axmed Sahal Cumar iyo Jeff Mworia Kithinji.
Shakhsiyaadkan ayaa sido kale loo haystaa inay si aan habbooneyn u adeegsadeen awoodooda, hanti ay khiyaano ku heleen iyo inaynan u hoggaansamin sharciga u degsan maareynta hantida dadweynaha.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay inay soo bandhigtay 29 qof oo marqaati ah iyo cadeeymo dhan 121 si eedeysanayaasha loogu cadeeyo dacwadda lagu soo oogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here