Saddex macallin oo xalay lagu dilay tuulada Kamuudeey ee Fafi

Wararka naga soo gaaraya tuulada Kamuudeey oo ka tirsan deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa ayaa sheegaya in weerar xalay koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ay halkaasi ku qaadday lagu dilay saddex macallin.
Waxay wararku intaas ku darayaan in sido kale la burburiyay qalabkii isgaarsiinta ee shirkadda Safaricom.
Si aan faahfaahin dheeraad ah u helno , Mowlid Maxamad Shuuriye ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Xasan Cumar oo ah wakilka deegaanka hoose ee Nanigi oo tuulada la weeraray ay hoos tagto.

Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi Bari , Paul Soi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay weerarka xalay dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.
Mr. Soi ayaa dhankiisa sheegay in weerarka la fuliyay abaare 2:30 habeenimo ee xalay.
Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in macallimiinta la dilay ay ka soo jeedaan deegaanada kale ee dalka balse Mr. Soi ayaa carrabka ku dhuftay inay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo arrinkan lagu xaqiijinayo.
Wuxuu sido kale xusay in ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.
8-dii bishan koowaad ayay ahayd markii koox hubeysan ay weerar ka gaysteen tuulada Sareedo ee deegaanka Dadaab halkaas oo ay ku dileen 4 arday halka 3 kalena ay dhaawaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here