Saddex qof oo dheeraad ah oo loo xiray dilal ka dhacay ismaamulka Vihiga

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo dheeraad ah oo lagu eedeyay inay ku lug lahayeen dilal bishii maarso ee sannadkan laga gaystay suuqa Kilingili ee dowlad deegaanka Vihiga.
Waxa xilligaasi laga takhalusay 6 waardiyayaal oo ilaalinayay meherado ganacsi.
Qoraal waaxdan ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ayaa lagu sheegay in magacyada eedeysanayaasha la qabtay ay kala yihiin Mr Caleb Nanjira Alumbe, Mr Fanuel Andayi iyo Mr Aziz Amwayi .
Dadkan ayaa la soo qabtay kaddib markii magaaladatani Nairobi, Vihiga iyo Kakamega laga sameeyay howlgalo amni oo sirdoon ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here