Saddex qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Voi

Ilaa saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil ka dhacay magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Tani ayaa timid kaddib markii ay isku dhaceen mooto iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka .
Gadiidkan ayaa xilligaas marayay goobta loo yaqaano Caltex .
Booliska ayaa sheegaya in baabuurka xamuulka uu ku soo wajahnaa Nairobi ka hor inta uunan mootada ku dhicin.
Saddexda qof ayaa isugu jiro wadihii dhugdhugleyda iyo laba qof oo rakaab ah .
Taliyaha booliska ee Voi ,Bernastein Shari ayaa warbaahinta u sheegay in la qabtay darawalkii gaariga shilka sababay si berri oo isniin ah maxkamadda loo soo taago.
Meydadka dadka shilka ku dhintay ayaa hadda yaalla goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Moi ee magaalada Voi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here