Saddex qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada Nairobi iyo Nakuru

Saddex qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa ku dhintay shil xalay laga soo tabiyay wadada u dhaxeysa ismaamulada Nairobi iyo Nakuru.
Shilka ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn beerta Marula ee magaalada Naivasha waxayna dhaawacyo soo gaareen ilaa 4 qof oo dheeraad ah.
Waxaa uu shilka u dhaxeeyay mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo gaari yar oo khaas ah.
Dadka isla goobta ku dhintay ayaa isugu jiro laba haween iyo canug 6 sano jir ah.
Taliyaha saldhigga booliska ee Naivasha ,Samuel Waweru ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhaawaca hadda lagu daaweynayo isbitaalka Naivasha oo xaaladdooda caafimaad ay sidii hore ka duwan tahay.
Taliyaha ayaa xusay in baaritaano ay socdaan oo cidii lagu caddeeyo inay shilkaasi sababtay maxkamadda la soo taagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here