Saddex qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada weyn ee Nairobi-Mombasa

Shil maanta ka dhacay wadada weyn ee isku xirto magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex qof.
Shilka oo u dhaxeeyay saddex baabuur ayaa ka dhacay meel u dhow maqaaxida Maanzoni Lodge.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha adeegyada degdegga ee ismaamulka Machakos David Mwongela.
Mr.Mwongela ayaa xusay inay shil galeen laba ka mid ah baabuurta xamuulka iyo taksi ah nooca Probox xilli ay meel isgoys ah marayeen.
Saddexda qof ee isla goobta ku dhimatay ayaa kala ah wadayaashii baabuurta xamuulka iyo taanbooy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here