Saddex qof oo ku dhintay shil ka dhacay Nyandarua

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Nyandarua ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay shil ku dhinteen saddex qof.
Dadkan oo isugu jiro haweeney iyo laba rag ah ayaa isla goobta ku dhintay kaddib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada oo si xowli ah loo kaxeynayay uu jiiray xili ay ku sugnayeen suuq ku yaalla deegaanka Kinangop .
Laba qof oo kale ayay dhaawacyo halis ah soo gaareen waxaana hadda lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.
Taliyaha booliska ee deegaankaasi ,Charles Rotich ayaa laga soo xigtay in baabuurka uu ka soo ambabaxay Naivasha kuna soo wajahnaa Nairobi ka hor inta darawalka uunan lumen xakameynta gaariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here