Saddex qof oo lagu dilay ismaamulka Nandi

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex qof halka 5 kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus kaddib iskudhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Nandi.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Lessos waxayna timid kaddib toogasho la sheegay in ciidamada booliska ay u gaysteen kabotole.
Iskudhacyada ayaa billowday kaddib markii boqolaal ka mid ah dadweynaha tuuladaas ay tageen saldhigga booliska iyagoo gubay guri uu degganaa taliyaha booliska ee saldhiggaas.
Ninka la dilay ayaa magaciisu lagu sheegay Lazarus Tirop waxayna ciidamada ammaanka toogteen kaddib markii uu ku dhaliilay inay dhibateeyeen mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo aan sidan afxirka.
Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa loogu baaqay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ay shacabka u gaysteen sida dilalka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here