Saddex qof oo lagu dilay Marsabit

Wararka naga soo gaaraya tuulada Forole ee ismaamulka Marsabit ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saddex qof.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in falkaasi ay gaysteen xubno looga shakiyay maleeshiyo beeleed ka soo gudbay dhanka wadanka Itoobiya.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Marsabit ,Steve Oloo ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in weerarkaasi sido kale lagu dhaawacay 6 qof .
Mr. Oloo ayaa hoosta ka xarriiqay in saddexda qof ee la dilay ay isugu jiraan laba wiil iyo gabadh ay da’dooda u dhexeyso 13 iyo 15 sano.
Dableyda weerarka soo qaadday ayaa sido kale la sheegaya inay xoolo dhaceen oo ayna u carareen dhanka dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here