Saddex qof oo lagu toogtay Homa Bay

92

Rag hubeysan oo aan weli heybtoodu la garan ayaa galinkii dambe ee shalay ismaamulka Homa Bay ku toogtay saddex qof .
Dadka la dilay ayaa da’dooda lagu sheegay dhexdhexaad waxaa uuna falkaasi ka dhacay isgoyska Kogwe .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka gaystay ay saarnayeen baabuur yar oo midibkiisu madhow yahay.
Saddexda qof ayay rasaas ku fureen oo ay isla goobta ku dileen xilli ay marayeen wadada weyn ee u dhexeysa magaalooyinka Rongo iyo Homa Bay .
Taliyaha booliska ee ismaamulkaasi, Esther Seroney ayaa dhacdadan xaqiijisay waxayna warbaahinta u sheegtay in dableyda ay isla markiiba goobta ka baxsatay.
Sido kale waxay sheegtay in baaritaanada hor dhaca ah ay muujinayaan in ragga la dilay in muddo ah lagu raadjoogay.
Meydadka saddexda qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Homa Bay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here