Saddex qof oo loo xiray baabuur laga soo xaday Nyeri

Ciidamada booliska ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay baabuur ay rumeysanyihiin in laga soo xaday dowlad deegaankaa Nyeri ee gobolka bartamaha dalka.
Waxay sido kale xabsiga u taxabeen saddex ruux oo eedeysanayaal ah oo falkaasi lala xariirinayo.
Baabuurkan oo ah nooca Toyota Premio, taargadiisuna tahay KBJ 724F, ayaa laga helay aagga Pipeline ee wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi .
Taliyaha booliska ee bariga Nakuru, Ellena Wairimu ayaa sheegtay in shalay lagu soo wargeliyay in baabuur lagala soo baxsaday deegaanka King’ong’o ee Nyeri lagu arkay ismaamulkaasi.
Ms Wairimu ayaa magacyada eedeysanayaasha iyo da’dooda ku kala sheegtay Stephen Maina oo 43 sano jir ah, Joseph Kamau(42) iyo Peter Mwangi oo ay da’adiisu tahay 41 sano.
Waxay intaasi ku dartay tuhmanayaasha la geeyay saldhiga dhexe ee booliska ee Nakuru ka hor inta aan loo sii gudbin Nyeri si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo haddi dembi lagu helana dacwad loogu soo oogo.
Mulkiilayaasha gawaarida ayay ugu baaqday inay baabuurtooda ku rakibaan hannaanka haddii laga xado fududeyn karo in dabagal la sameeyo kaddibna la helo.
Weli waxaan ku guda jirnaa wararka falal dambiyeedyada, ismaamulka Mombasa ayaa waxaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay weerar lagu qaaday dad ka soo laabtay xaflad aroos.
Weerarkaasi ayaa waxaa gaysatay koox burcad ah waxaana lala eegtay ilaa toddobo qof.
Dadkaasi oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay isbitaalka guud ee gobolka xeebta.
Saddex ka mid ah ayaa la daaweeyay oo laga saaray xaruntaasi caafimaad waxaana weli halkaasi lagu dabiibayaa afar kale oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu halis yahay.
Mid ka mid ah ehelada dadka la weeraray oo warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa dareenkiisa sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here