Saddex qof oo loo xiray dilal ka dhacay Marsabit

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Marsabit ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxabeen ilaa saddex eedeysanayaal ah oo loo haysto dilal maalmo ka hor halkaasi ka dhacay.
Maalinka berri ayaa la filayaa inay maxkamadda ka soo muuqdaan shakhsiyaadkan oo lala xariirinayo dilkii 10 qof loogu gaystay degmooyinka Kukuto iyo Jaldesa .
Dadkan ayaa la qabtay kaddib markii saraakiisha booliska iyo kuwa waaxda dambi baarista ay su’aalo weydiiyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ismaamulkaasi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Marsabit Evans Achoki ayaa sheegay in sido kale shaqada si ku meel gaar ah looga istaajiyay qaar ka mid ah guddoomiyaasha xaafadaha ama jiifafka iyo ku xigeenadooda.
Mr .Achoki ayaa dhanka kale dadka haysta hubka sharci darrada ah u qabtay muddo 24 saacadood oo ay hubka ku soo wareejinayaan laamaha ammaanka haddii kale si awood ah looga qaadi doono.
Bulshada ku nool deegaanada ismaamulka Marsabit ayuu sido kale uga digay inay ku lug lahadaan rabshadaha sababo amni darrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here