Saddex qof oo loo xiray inay laaluush siinayeen codbixiyayaasha Kibra

Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Mr. Philip Ndolo ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay ilaa saddex qof oo lagu eedeyay inay lacago laaluush ah bixinayeen si ay saameyn ugu yeeshaan codeynta ku celiska ee ka dhacaysa deegaanka Kibra .
Musharaxa xisbiga ODM Bernard Otieno Okoth iyo dhigiisa Ford-Kenya Khamiisi Butichi ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubilee ku eedeyay inay isku dayayaan inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan sidii ay wax uga beddeli lahayeen go’aankooda ku aaddan cidda ay u codeynayaan.
Mr. Okoth ayaa hoosta ka xarriiqay inuu rajeynayo in isaga ay guusha raacdo waxaa uuna ku baaqay in la ilaaliyo sharciga iyo habdhaqanka wanaagsan ee u degsan doorashooyinka dalka

Musharaxa xisbiga Jubilee McDonald Mariga ayaa isna ka hadlay codeynta ka dhacaysa ilaa 5 wood ama deegaanada hoose ee Kibra.
Mr. Mariga ayaa xusay inuunan fursad u helin in uu codkiisa dhiibto sidaasi awgeedna haddii uu baarlamaanka ku biiro uu ku dadaali doono sidii Kenyaanka qurbajoogta ah loogu oggolaan lahaa inay codeyaan.
Sido kale waxaa uu xusay inuunan ka warqabin eedeymaha ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta isaga taageeraya ay laaluush bixinayaan

Goobaha codbixinta ee deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi ayaa fursad 6-dii aroornimo ee saaka.
Codeynta ku celiska ah ayaa ku soo aadaysa kaddib markii bishii toddobaad ee sannadkan uu cudurka Kansarka u geeriyooday Ken Okoth oo shacabka halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalayay.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa dadweynaha codkooda dhiibanaya ugu baaqday inay si nabad ah doorashada uga qeyb qaataan waxayna shacabka u xaqiijisay in codeynta sida habboon loo maareynayo.
Waxaa xarumaha kala duwan lagu arkayaa safaf dhaadheer oo ay dadweynaha ugu jiraan si ay codkooda u dhiibtaan in kastoo meelaha qaar aynan dadka sidii la filayay aynan codeynta ugu soo bixin.
In ka badan hal bil waxaa soo socday loolan siyaasadeed oo aad u xooggan.
IEBC ayaa sheegtay in codbixiyayaasha iska diiwaangeliyay Kibra lagu aqoonsan doono qaab casri ah iyadoo la adeegsanaya hannaanka lagu maareeyo macluumaadka doorashooyinka ee (KIEMS) ka hor inta aan qofku loo oggolaan inuu codeeyo.
In badan oo ka mid ah khuburrada siyaasadda falanqeeya ayaa tartanka xildhibaananimo ee deegaankaasi ku tilmaamay mid u dhexeya ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga maadaama labaduba ay si weyn ugu ololeynayeen musharaxiinta xisbiyadooda.
Dad ay tiradoodu gaaraysa 118,658 ayaa ka codeynaya deegaanada hoose ee Sarang’ombe, Woodley/Kenyatta Golf Course, Makina, Laini Saba iyo Lindi.
Waxaa uu loolanka siyaasadeed ka dhexeya 24 musharaxiin ah balse waxaa ugu cadcad Benard Okoth oo wata tikitka xisbiga ODM, McDonald Mariga Mariga oo ku tartamaya xisbiga (Jubilee), Eliud Owalo oo isna matalaya (ANC) iyo Khamiisi Butichi oo ka tirsan Ford-Kenya.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM, Edwin Sifuna ayaa sheegay in doorashada ay si habsami leh u socoto in kastoo magacyada laba qof laga waayay liiska diiwaanka ee goobtii ay doonayeen inay ka codeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here