Saddex qof oo loo xiray ka ganacsiga baabuurta la xaday

Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay inay baaritaano ku hayso saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinayo inay ka ganacsadaan baabuurta la xaday.
Tallaabada lagu soo qabtay oo ay qaadeen ciidamada Flying Squad ayaa timid kaddib xog laga helay dadweynaha.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Nicholas Opiyo oo 20 sano jir ah oo deggan waqooyiga xaafadda Kariobangi, 28 sano jir lagu magacaabo Kelvin Oduor Demba oo ku nool xaafadda Baba Dogo iyo Patrick Mburugu oo 36 jir ah oo dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamulka Meru balse hadda ku nool xaafadda Ngara.
Baabuur horay loo xaday ayaa dabagal ay ciidamada dambi baarista sameeyeen kaddib laga soo helay Meru.
Nooca gaariga ayaa ah Toyota Fielder waxayna taargadiisu tahay KCH 301R .
Howlgal kale oo ay saraakiisha ka sameeyeen ismaamulka Nairobi ayaa lagu soo helay laba baabuur oo ah nooca Toyota Hilux waxaana hadda socdo baaritaano arrinkan ku aaddan.
Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa inay sii iibiyaan gawaarida la soo xaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here