Saddex qof oo loo xiray weerarro laga gaystay Mombasa

Ciidamada booliska ee ismamulka Mombasa ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysanayaal ah oo lagu tuhmayo inay xubno ka yihiin burcad baangado ku weeraray qaar ka mid ah shacabka deegaanada Kisauni iyo Nyali
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu kala sheegay Jackson Okelo oo 26 sano jir ah , Paul Ayub 18 iyo 17 sano jir lagu magacaabo Ibrahim Maxamad Xamdaan.
Booliska ayaa dadkan soo qabtay kaddib fal burcadnimo oo xalay lagu dhaawacay 13 qof.
Afar ka mid ah dhaawaca oo ku jiro isbitaalka weyn ee gobolka xeebta ayay xaaladoodu liidataa oo lala tacaalaya.
Taliyaha booliska ee deegaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa, Julius Kiragu ayaa sheegay in eedeysanayaasha la soo xiray lagu helay waxyaabo la rumeysanyahay inay ka dhaceen shakhsiyaadkii ay weerareen.
Waxay eedeysanayaasha hadda ku jiraan saldhigga booliska ee Kadzandani ka hor inta galinka dambe ee maanta aan la soo taagin maxkamadda Shanzu.
Waxaa uu taliyuhu intaasi ku daray inay weli howlgalo ku guda jiraan isagoo wacad ku maray in sida ay mudanyihiin loola xisaabtami doono dadkii dhibaatooyinkaasi gaystay.
Falka burcadnimo ayaa carqaladeeyay howlaha ganacsi ee xaafadda Bamburi Mwisho iyadoo dukaamada ay xiranyihiin sido kalena ay yaraatay tirada dadweynaha ee waddooyinka isticmaalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here