Saddex sano oo ka soo wareegatay xasuuqii Myanmar

Waxay maanta taariikhdu ku beegan tahay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegatay xiligii dalka Myanmar laga fuliyay howlgallo militari oo lagu bartilmaameedsaday qowmiyadda muslimiinta eel aga tirade badan yahay ee Rohingya.
25-kii bishii siddeedaad ee sanadkii 2017-kii ayay howlgallo si weyn loo cambaareeyay ka dhaceen gobolka Rahine.
Militariga Myanmar ayaa sheegay inuu la dagaalamay fallaago weeraro gaystay.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda tallabadii ay ciidamada qaadeen ku tilmaantay xasuuq iyo isir sifeyn qaabeysan.
Ilaa 740,000 oo qof oo bulshada Rohingya ka mid ah ayaa dhacdadaas kaddib u cararay dalka dariska la ah ee Bangladesh halkaas oo ay weli qaxooti ku yihiin.
Mohib Ullah oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaxootiga Rohingya ayaa sheegay inay maanta dhibatadii loo gaystay ugu dabaal degi doonaan aamusnaan iyo Alle bari.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maamullada wadanka Bangladesh ay mamnuuceen isku imaatinka dadweynaha sido kalena la xaddiday dhaqdhaqaaqa qaxootiga in kastoo la xaqiijiyay keliya 84 ah kiisaska fayraska corona.
Qaxootiga ayaa sheegaya inay aad ugu xiiseen deegaankooda balse ay dareemayaan cabsidii sababtay inay saddex sano ka hor soo cararaan.
Nur Ayna oo ka mid ah bulshadii ka soo barakacday Myanmar ayaa sheegtay inay lahayeen beero ay ku abuurtaan ubaxa , khudaarta iyo dalag noocyo badan ah.
Waxay intaa ku dartay in bishii sideedaad ee 2017-kii ay gashay safarkii ugu adkaa ee nolosheeda oo ay lugeynayeen 13 cisho habeen iyo maalin.
Nur Ayna ayaa sido kale sheegtay inay jeceshay inay Myanmar dib ugu laabato hadii badqabkeeda loo xaqiijiyo oo ayna tani suurtagal tahay hadii beesha caalamka ay dowladda dalkaas cadaadis saarto.
Bishii koowaad ee sannadkan ayay ahayd markii maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ay go’aamisay in dowladda Myanmar ay sharci ahaan ku khasbantahay inay xasuuq ka ilaaliso bulshada Rohingya ee gobolka Rakhine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here