Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska Nairobi oo Covid19 laga helay

3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Nairobi ayaa laga helay cudurka Corona Virus.
Waxaana hadda la raadinaya dadkii ay la kulmeen si uusan cudurkan ugu faafin bulshada inteeda kale.
Ciidamadan ayaa ka hawlgalayay saldhiga ciidamada booliska Kamkunji ee Nairobi.
Taliyaha booliska ee Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegay qoysaska askarta ee cudurka laga helay la geliyay karantiil qasab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here