Saddex waddan oo sheegay inay kala dhexdhexaadinayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi

Wadamada Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday inay iska kaashan doonaan sidii looga meel gaari lahaa wada hadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Heshiiska ay wada gaareen ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.
Mr. Moon ayaa arrintan ka hadlay maanta oo Talaado ah kaddib shir saddex geesood ahaa oo ka dhacay Shiinaha.
Waxay tani ku soo aadaysa muddo hal sano ah uu Maraykanka u qabtay Waqooyiga Kuuriyada si uu wax uga beddelo xeerar uu kula macaamilo oo lagu tilmaamay kuwo aynan saaxiibtinimo ka muuqan.
Tan iyo bishii lixaad ee sannadkii 2018-kii waxaa ilaa saddex mar kulmay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump si ay hehiis uga gaaraan hubka Nukliyeerka balse ilaa iyo hadda wax horumar oo la taaban karo lagama gaarin wada hadalladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here