SAWIRO:Madaxweynaha Kenya oo ku baaqay in laga faa’iidaysto kartida dhalinyarada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay si wanaagsan kaga faa’iidaysato kartida ay da’yarta leeyihiin.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in dhalinyarada loo arko dad waqti xaadirkan wax ku soo kordhin karo caalamka oo aan waxqabadkoodu lagu tashan oo keliya mustaqbalka.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii dhalinyarada ay helaan talooyin anfacaya iyo fursadaha habboon ay awood buuxda u leeyihiin inay isbeddelo sameyaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu qaar ka mid ah dhalinyarada dalka u magacaabay xilal sar sare si ay tani dhiirigelin ugu noqoto da’yarta kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka qaybgalay kulan heer sare oo muuqaal ah oo ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay.
Waxaa shirka sido kale ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame , madaxa bangiga adduunka David Malpass iyo agaasimaha guud ee hay’adda lacagaha adduunka ee IMF Kristalina Georgieva.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guteress ayaa dhankiisa wadamada kala duwan ee caalamka ku booriyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha dijitaalka si ay shaqo abuur ugu sameyaan dhalinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here