Safaaradda Maraykanka ee dalka oo sheegtay in la adeegsan karo lacagta cusub

Safaaradda dowladda Maraykanka ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay inay aqoonsatahay oo ay oggolaatay in la isticmaalo lacagta cusub ee dalka.
Lacagtan oo qaab casri ah loo naqshadeeyay ayuu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta soo bandhigay koowdii bishan lixaad.
Safaaradda ayaa xustay inay tallaabadan qaadday kaddib wada tashi ay la yeelatay bangiga dhexe ee CBK.
Sido kale waxaa dadweynaha ay ku wargelisay in la sii isticmaali karo oo ay oggoshahay in howlaheeda lagu fuliyo 1000-ka shilin ee Kenya ee la doonayo in suuqyada laga saaro ugu dambeyn 1-da bisha tobnaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here