Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo bixisay ugu yaraan 100 kun oo afxir ah

Safiirka dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa guddoomiyaha guddiga maamulka iyo amniga qaran ee baarlamaanka Paul Koinange ku wareejiyay in ka badan 100,000 oo ah maaskarada sanka iyo afka lagu xirto.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay safaaradda oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM.
Maaskarada ayaa loo qeybinaya ciidamada booliska iyo shacabka.
Afxirkan ayaa loogu magacdaray USA Marafiki facemasks waxaana lagu hagaajiyay gudaha wadanka.
Safiirka Maraykanka ee Kenya ayaa sheegay inay dowladda ku garab taagan yihiin dagaalka ay kula jirto cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here