Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo ka hadashay dilkii George Floyd

Safiirka dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter

Safiirka dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay ku dadaalayso sidii uu caddaalad ku heli lahaa nin madow Ameerikaan ah oo dhawaan geeriyooday kaddib markii ay dhibaateeyeen ciidamada booliska.
Hadalka danjiraha ayaa yimid kaddib markii shalay dibadbaxayaal ay isugu tageen afaafka hore ee safaaradda Maraykanka ee magaaladatani Nairobi.
Waxay dibadbaxayaasha dalbanayeen in lala xisaabtamo askartii lagu eedeyay inay ka dambeeyeen geeridii ku timid George Floyd oo dhawaan ku dhintay Minneapolis .
Dhimashada ninkan ayaa waxaa ka dhashay mudaharaadyo waaweyn oo caalami ah.
Waxaa uu dhintay kaddib markii mid ka mid ah saraakiisha ammaanka ee Maraykanka uu jilibka ka saaray qoorta taasoo keentay inay Floyd neefta ku dhegto ugu dambeyna geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here