Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo dib u billowday howlaha dalkugalka

Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay magaaladatani Nairobi ayaa shaaca ka qaadday inay maanta dib u billowdeen codsiyada baasaboorka iyo dalkugalka oo uu hakad ku yimid saddex maalmood.
Farriin ka soo baxday safaaradda ayaa lagu sheegay in ballamadii la qabsaday maanta oo ay taariikhdu tahay 5-ta Maarso uunan wax isbeddel ah ku imaan.
Hakadka ku yimid adeegyada safaaradda ayaa loo aaneeyay cillad dhacday hasa ahaate dadweynaha ayaa looga mahadceliyay dulqaadka ay muujiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here