Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo ka laabatay go’aan ay horay u soo saartay

Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay magaaladatani Nairobi ayaa wax ka bedeshay go’aan ay dhawaan soo saartay oo la xariiray dalkugalka ama fiisaha.
Waxay horay u sheegtay in cid waliba oo doonaysa in la siiyo dalkugalka xukuumadda Washington laga doonayo inay haysato baasaaboorka cusub ee dijitaalka ah.
Qoraal horay uga soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in cid waliba oo ka safraysqa Kenya o tagaysa Maraykanka laga doonayo inay leedahay baasaboor shaqeynaya ugu yaraan 6 bilood laga billaabo taariikhda uu dalkaasi galo.
Waxaay intaasi ku dartay in si qofku loo siiyo fiisaha ama dalkugalka Maraykanka laga doonayo inuu haysto baasaboorka dijitaalka ah.
Qoraalka hore waxaa ku caddaa inaan fiisaha la saari doonin baasabooradii horay loo bixiyay ee isticmaalkoodu uu ku egyahay 31-ka bisha sideedaad ee sannadkan 2019-ka.
Hasa ahaate go’aankaasi ayay hadda Safaaraddu wax ka bedeshay waxayna caddeysay in xita qofka isagoo haysto baabasabooradii aanan dijitaalka ahayn ee ay dowladda Kenya horay y bixisay uu dalban karo dalkugalka Maraykanka oona loo garaacayo.
Safaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in xaaladdu ay sii ahaanayso sidii hore ilaa iyo inta amar kale laga soo saarayo.
Sidaasi awgeed dadka haysta fiisaha ama dalkugalka Maraykanka ayaanan loo baanayn inay qaadaan wax tallaabo ama isbedel ah.
Safaaradda Maraykanka ee dalka ayaa raaligelin ka bixisay jahwareer kasta oo ka dhashay amarkii hore sidaasi awgeedna dadweynaha laga doonayo inay fariintan dambe tixgeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here