Safaaradda  Maraykanka ee Nairobi oo  soo saartay amar ku aaddan dalkugalka

96

Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay magaaladatani Nairobi ayaa sheegtay in cid waliba oo doonaysa  in la siiyo  dalkugalka  xukuumadda Washington laga doonayo inay haysato  baasaaboorka  cusub ee dijitaalka ah.

Qof waliba oo ka safraya  Kenya  oo aadaya Maraykanka waxaa laga doonaya  inuu leeyahay  baasaboor shaqeynaya ugu yaraan 6 bilood laga billaabo taariikhda uu dalkaasi galo.

Qoraal ay safaaraddu soo dhiftay barta  rasmiga ee ay ku leedahay  Facebook-ga  ayay ku sheegtay in si qofku loo siiyo fiisaha ama dalkugalka Maraykanka  laga doonayo inuu haysto baasaboorka  dijitaalka ah.

Waxaa qoraalka ku cad inaan Fiisaha  la saari doonin  baasabooradii horay  loo bixiyay  ee isticmaalkoodu uu ku egyahay  31-ka bisha  sideedaad ee sannadkan 2019-ka.

Sido kale safaaradda ayaa sheegtay in qofku  uu fiisaha ama  dalkugalka Maraykanka codsan karo isagoo isticmaalaya  baasaboorka Kenya ee aan dijitaalka  ahayn balse  si loogu  dhufto  waa inuu midka cusub haysto.

Hasa ahaate   dadka safraya  ee horay fiisaha loogu saaray waa ay isticmaalayaan in kastoo laga doonaya inay midka cusub qaataan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here