Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo soo saartay amar ku aaddan dalkugalka

Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay magaaladatani Nairobi ayaa sheegtay in cid waliba oo doonaysa in la siiyo dalkugalka xukuumadda Washington laga doonayo inay haysato baasaaboorka cusub ee dijitaalka ah.
Qof waliba oo ka safraya Kenya oo aadaya Maraykanka waxaa laga doonaya inuu leeyahay baasaboor shaqeynaya ugu yaraan 6 bilood laga billaabo taariikhda uu dalkaasi galo.
Qoraal ay safaaraddu soo dhigtay barta rasmiga ee ay ku leedahay Facebook-ga ayay ku sheegtay in si qofku loo siiyo fiisaha ama dalkugalka Maraykanka laga doonayo inuu haysto baasaboorka dijitaalka ah.
Waxaa qoraalka ku cad inaan Fiisaha la saari doonin baasabooradii horay loo bixiyay ee isticmaalkoodu uu ku egyahay 31-ka bisha sideedaad ee sannadkan 2019-ka.
Sido kale safaaradda ayaa sheegtay in qofku uu fiisaha ama dalkugalka Maraykanka codsan karo isagoo isticmaalaya baasaboorka Kenya ee aan dijitaalka ahayn balse si loogu dhufto waa inuu midka cusub haysto.
Hasa ahaate dadka safraya ee horay fiisaha loogu saaray waa ay isticmaalayaan in kastoo laga doonaya inay midka cusub qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here