Safaricom iyo wasaaradda caafimaadka oo adeeg iska kaashanaya

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, wasaaradda caafimaadka iyo Korea Telecom aya iska kaashanaya fulinta adeeg looga gol leeyahay in looga hor tago cudurrada faafa.
Adeeggan oo dhawaan la soo bandhigay ayaa loo yaqaana Safiri Smart wuxuuna kaalin weyn ka qaadanaya in Kenya ay xilli hore isku diyaariso ka hor tagga sido kalena ay xakameyso faafidda xanuunadan uu ka midka yahay Ebola.
Barnaamijkan ayaa loo isticmaali doonan in kormeer lagu sameeyo cudurrada la isku gudbiyo , dadweynahana wacyigelin loo sameeyo.
Safiri Smart waxay macaamiisha Safaricom ee iska diiwaangeliya u suurtagalinaysa inay helaan wargelin ku saabsan xanuunada ka dillaacay ama ka jiro deegaanada ay u safrayaan.
Stephen Chege oo ka mid ah howlwadeenada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegay in adeeggan uu yahay mid faaiido weyn u leh badbaadada bulshada.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Mrs. Sicily Kariuki ayaa sheegtay in Kenya ay tahay wadan aad loogu soo safro iyadoo dhanka kale in cudurrada faafo la isku gudbiyo ay sarreysa gaar ahaan xudduudda sidaas awgeed iskaashigan saddex geesoodka ah uu yahay mid lagama maarmaan ah.
Macaamiisha shirkadda Safaricom , si ay u helaan adeeggan Safiri Smart waxay garaacayaan *265# iyagoo adeegsanaya taleefoonkooda gacanta.
Nidaamkan ayaa horay looga dhaqangeliyay wadamada Ghana iyo Laos iyadoo marka ay shacabka u safrayaan meelaha xanuunada saameeyeen ay u soo dhacayso farriin ku saabsan cudurka, astaamaha lagu garanayo iyo qaabka lagula tacaali karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here