Safaricom oo kaalin ka qaadanaysa ka hor tagga xadgudubyada jinsiyadeed

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa iskaashi la sameeysay ururka ay ku mideysan yihiin adeeg bixiyaasha caafimaadka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn si ay uga wada shaqeyaan ka hor tagga xadgudubyada jinsiyadda ku saleysan.
Safaricom ayaa soo saartay nambarka (1195) oo si lacag la’aan ah lagu adeegsan karo.
Waxay tani fududeynaysaa in qofka dhibbanaha ah uu si degdeg ah adeegyo caafimaadka ku helo.
Sido kale inaad nambarkan wacdo waxay kuu suurtagalinaysa inaad hesho adeegyada laga bixiyo saldhigyada booliska iyo talasiin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo darasaad dhawaan la sameeyay lagu sheegtay in gudaha dalka ku dhawaad 2 milyan oo haween ah oo shaqeynaya ay la kulmeen tacaddi loo gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here