Safaricom oo kordhisay helidda casharrada dijitaalka

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay korhisay fursadda sida lacag la’aanta ah ay ardayda ugu helayaan casharrada qaab online ah lagu bixinayo.
Barnaamijyadan ayaa loogu talagalay inay ka faaiidaystaan ardayda guriyaha joogo maadaama la xiray dugsiyadii ay dhiganayeen si looga hor tago faafitaanka fayraska corona.
Shirkadda ayaa sheegtay in ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dugsiyada sare ay casharrada si bilaash ah ku heli doonaan ilaa 8-da bisha sagalaad ee sannadkan.
In ka badan 1.8 milyan ayaa ka faaiiday adeegga Shupavu291 halka la sarriiftay in ka badan 10 milyan oo daata ah si casharradan loo helo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dugsiyada dalka oo la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan dib loo furo sannadka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here