Safaricom oo mashruuc la xiriira biyaha ka sameeysay Lamu

Shirkadda Safaricom Foundation oo qaabilsan fulinta barnaamijyada lagu taageero bulshada ayaa ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta waxay ka hirgelisay mashruuc dhanka biyaha ah.
Mashruucan waxaa ka faaiidaysanaya in ka badan 2,000 oo qof oo ku nool jasiiradda Ndau Island.
Mashruucan oo ah mid lagu qarash gelinaya dhaqaale dhan 7.5 milyan oo shilin ayaa ah qalabka korontada cadceedda oo loo adeegsan doono in wax looga beddelo dhadhanka biyaha.
Maxamad Faaruuq oo ka mid ah dadweynaha ku nool deegaankaasi ayaa shirkadda uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay

Waxaa isna dareen kani la mid ah muujiyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Lamu Samson Irungu Macharia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here